Ticker

6/recent/ticker-posts

good life in the world

 NOLOSHA ADUUNYADA  NOLOSHA ADUNYADA 






aduunyada ilaahaybaa inagu abuuray oo ina keenay 

Noloshii hore halka aaan ku noolayn waxay ahayd janada oo aabaheen aadam alle ku abuuray  oo janada sidaa ku geliyay markii alle ka xarimay geed ka mida geedihii janada kadib ibliis uu waswaasiyay oo aabaheen aadam alle kasoo saaray janadii uu kuiiray iyo nimcadii uu haystay maadaamoo alle caasiyay oo wixii uu ka reebay uu ku dhacay aaaadam 

Aaadam waxaa la keenay aduunyadan  dhibka iyo mushkilada badan leh taaas oo ah meel la isku imtixaamo oo lagu kala baxo qofka dhibka usabra iyo qofka aaan usamrin 

Tacabka aduunyadu halkaas ayuu kasoo bilaabmay iyo mushkilada aduunyadu 

Hadaba aduunyada nolosheeda maadaamoo tacab lasocdo shay kasta ood istiraahdo qabo dhib ayaa kasoo horeeya oo shaygii nafciga kuu lahaa waxa wehelinaya oo la socda waa caqabad ku hortaagan inaaad gaadho hamigaagii iyo ujeedkaagii caqabadaa ku hor taagana waxay kamid tahay mushkiladaha  aduunyada ee qof kasta haysta hasaanad samid kaga bixina way adkaanaysaa inaaad guulasato ood gaadho hamigii aad  lahayd 

Hadaba qofkasta wuxuu rabaaa inuu ku noolaado nolol wanaagsan oo raaxo leh maadaamoo aduunyadii mushkiladeediina ay taagantahay markasta iyo dhibkeediiba tacabkan iyo daalkan qofka haysta wuxuu rabaa meel uu iskaga reebo oo daalka uu kaga nasto inuu helo si ay taaasi utimaadana wuxuu qofku is leeyahay naso oo daalka ka naso si aaad udegto oo nasasho dhab  ah aaad u hesho 

Kadin qofkii wuxuu is arkayaa isagoo weli daalan oo daal badan uu ku jiro nasashadii uu dareemi lahaana meesha ay ka baxday ayaaa dhicikarta inuu dareemo wakhtiyada qaarkoood sababtuna halka laga degaa waaa qalbiga iyo niyada ee mahan jidhka sare oo qudha qalbiga hadii aaad ka degiwaydo ma degenid hadii aaad qalbiga ka degtana waxaad tahay qofka sida dhabta ah udegen ee niyadiisa ay wnaagsantahay 

Markaas kadib ayaad nolosha wanaagsan gaaadhaysaaa markaad qalbiga ka degto 


Sideeed hadaba qalbiga uga degi kartaa oo nasasho dhaba uga dareemi kartaaa qalbiga waayo qofka shayga uu rabo inuu gaaadho waxaaa muhiim ah inuu dariiqii uu u mari lahaana uu hayo hadii dariiqu kaa lumana gaadhimaysid ujeedkaagii dhabta ahaa iyo wixii aaaad rabtay 

Dariiqa lagu gaadhi karo nolosha wanaagsan waxaaa weeye inuu qofku leeyahay iimaan oo alle ka cabsigiisu badanyahay si qalbiga uu niyad wanaagsan uga dareemo iimaanka iyo rumaynta rabi uu rumaysanyhay qofku waa mida ka dhigaysa qofka inuu degenaashiyo dareemo qalbigiisiina uu dego degenaashiyaha iyo nolosha wanaagsana halka laga daareemo madaamoo aynu nidhi waa qalbiga waa inaaad ku dedaashaa inaad markasta qalbigaaga iyo maskaxdaaada  inaad iimaan dhaba geliso oo u horeeyaan rumaynta rabi iyo rasuulkiisa 

Intaaas kadib waa inaaad raaacdaaa arimaha ay ku amrayaan ilaahay rasuulkiiisu eed ka helayso nolosha wanaagsan taaas oo marka danbe aaad gaadhayso noloshii wanaagsanayd eed rabtay 

Hadaba qofka shayga u horeeya ee degenaashiyaha uu ka helayo qofku waxaa weeye waa salaada oo uu tukado kuwa faralka ah iyo kuwa sunaha ahba gaar ahaan salaadaha faralka ah markuu tukado dabdeed inuu qofku tukado salaadaha sunaha ah gaar ahaan salaada habeenkii la tukado ee salaatu laylka waa arimaha degenaashiyaha laga helo ayay kamid tahay qofka iimaan uu ka korodhsanayo waayo iftiin iyi nuur ayuu qofku ka helayaa marka uu habeenkii tukado 

Saasookal qofka niloshiisa waxyaabaha korinaya waxaa kamida inuu adkaarta carabkiisa baro oo uu qofku ku celceliyo adkaarta iyo xuska rabi ku celcelintaasi waxay carabkaagu ugudbinayaa inuu dareemo qalbigaaagu naxariis iyo degenaan waayo ilaahay wuxu inoo sheegay in qalbiga uu ku dego dikriga iyo xuska ilaahay 

Markaa qofka waa inuu iskudayaa inuu ku ceceliyo dikriga ilaahay oo ilaahay uu xuso si qalbigiisu u xasilo kadibna nolol wanaagsan oo raaxo leh qofku ugu noolaado 

Taasi waa mida ruuxdu ay ku degeyso 

Hadaba waxyaabaha kale ee qofka sababta u ah inay noloshiisu hagagto waxaaa kamida inuu qofku qanaaco yeesho oo uu ku qanacsanaado wixii alle siiyay ee maal aduunyo ah hadii qofku qanaaco uusan haysan way adagthay inuu helo nolol wanaagsan oo raaxo leh qanaacaduna waa qalbiga oo uu qofku ka qanacsanaaado waana mid kamida arimaha qifka usababaya inay noloshiisu hagaagto 

Dadka qaar waxay u haystaaan maal badan oo la helo inuu qifku ku degeyo oo uu ka helayo nolol wanaagsan sidaad mahan ee nolosha wanaagsani waa mida qanaacada rabi ay laosocoto 

Imisaa aduunyo badan haysta oo alle wax siiyay hadana raadinayaa wixii qalbiga udejinlahaaa si ay nolol  wanaagsan ugu noolaadaan 

Imisaa qaniya oo wax haysta hadana cusbitaalada yaaala oo xanuunsan qaarkoood maalkii iyo xooolihii ay tabcadeen aaan wax badanba ka cunin  lagyaaabaa shay yar oo dareere ah inuu ka cuno xoolihiisii uu soo tabcaday midaasi mahan iyana nolol wanaagsan ee imtixaan qofka haysta weeye taasina waxay ku tusinaysaa inayna nolosha  wanaagsani ahayn in xoolo badan iyo maal badan la dhaqdo haday nolosha wnaaagsani ahaan lahayd xoolo badan oo la dhaqdo cudurada iyo mashqulka saaran qofka maalka leh wuu ka nasan lahaaa iskadaa inay nolol wanaagsan ku noolaadaane iyaga laftirkoodu nolol cidhiidhiya gala wakhtiyada qaaar waayo waxaaba sabab u noqon karaba dhibka haysta waa maalka laftirkiisa  maadaamoo ilaalintiisa xifdintiisa ka war hayntiisa kadaba shaqayntiisa uu ku mashquulsanyahay qofka wax haystaaa 


Hadaba dad qaar waxay moodaan nolosha wanaagsani inay tahay guri qurux badan oo la galo kaas oo lagu dego dadka kalena lagaga duwanyahay oo uu noqdo hoy ama guri aaaad uqurux badan iyo gabadh qurux badan iyo caruur cadcad oo qurux badan in la dhalo iyo gaadhi qurux badan in la iibsado oo la wato dadka qaar sidaasay nolosha wanaagsan u arkaan 

Iyana mahan nolosha wanagsani sidaaa ee iyada laftirkeeda mararka qaar waxaabad ka dhaxli kartaa dhibaatooyin badan oo mashquul badan oo caruurtaada haday ku mashquuliyaan oo ilaalintooda iyi kawar hayntooda inta badan aaad ku mashquulsantahay ogow inaaad imtixaamantahay iyagana aaad ku imtixaamantahay iskadaa inaaad nolol wanaagsan ka heshida waabad ku dhibantahay waayo waxaa laga yaabaa caruurtaa quruxda badan eed islahayd waa qayb kamida nolosha wanaagsan inay dhib kugu noqdaanba oo hadii midi xanuunsado mid wax ku dhacaan naftaada rafaad badan inay ka baxdo ayaa suuragal ah saasookale gabadhii quruxda badnayd haday kugu xumaato ood ku degiwaydo oo ay kugu noqoto gabadh xun oon wanaagsanayn iyana waxaa dhicikarta inay qaarkaa kaa reebto ood ku dhib mudatid mashquul badanna maskaxdaada ay geliso


Hadaba sidaaad moodayso mahan halka laga helo nolosha wanaagsan mahan meelaha aynu ka filayno ee aynu isleenahay waa laga helaaa 

Inkastoo qodobadaaa aynu sheegnay qaar kamidi muhiim yihiin oo aaan sharciga islaamku udiidanayn sida inuu qofku maal yeesho gabadh qurux badan inuu guursado caruur qurux badan inuu dhalo 

Intaas aynu sheegnay sharciga islaamku kuuma diidana ee wuu kuu ogolyahay 


Arinta aynu ka waramayno ee inaga khusaysa inaga waxa weeye  in arimahaasi aaanay ahayn kuwa dhabta ah ee nolosha wanaagsan laga helo 

Nolosha wanaagsan halka laga helaana ay tahay qalbiga iyo wadnaha 

Qalbigaagana uu ahaado mid degen oo mushkiladaha iyo culaysyadu ay ka madhanyihiin 

Markaas ayaad nolosha wanaagsan ee dhabta ah gaadhaysaa 

Wadna ama qalbiga wixii dejinayay ee ka dhigayay mid degen oo raaxo le waynu soo sheegnay oo waxaynu sheegnay in iimaanku uu yahay asalka ama halka laga helo degenaanta iyo in qofku uu raaco dariiqa uu amrayo iimaankiisu inuu u maro nolosha wanaagsan ee ah sida salaadaha faralka iyo sunayaasha sidaasookale inuu qofku layimaado wixii alle amray kana dheeraado wixii alle ka reebay 

Arimaha sida gaarka ah aynu uxusayno ayaa ah inuu qofku ilaaashado oo uu ilaaliyo adkaarta iyo xuska rabi uu xusayo taasina uu isku dayo in carabkiisu ka qoyanaado xuska rabi 

Intaas ayuu qofku ka helayaaa nolosha wanaagsan ee dhabta ah ee meelkale haka raadin nolosha wanaagsan 


Ilaaahay xaqa hayna waafajiyo  

Nolosha wanaaagsan ee aynu rabnana rabi haynagu arsaaqo 


Allaaah ayaaa mahad iska leh


WQ;FARXAAN CABDILAAHI CABDI



Post a Comment

0 Comments