Ticker

6/recent/ticker-posts

Good friend

Saaxiibka wanaagsan saaxiibka wanaagsan 







Qofkastaa wuxuu leeyahay saaxiib markastana uu lasocdo oo uu la rafiiqo saaxiibkaasi uu leeyahay waa midka xiliyada adag uu kaga baxo ee uu la tashado marka tashi uu u baahanyahay qofku latashiga saaxiibkaa waxay kaa dhigaysaa mid aaad fikirkiisa iyo dhaqankiisaba saamayn kugu yeesha saamyntisuna way ka wayntahay cidkale saaamynta ay kugu yeelato

Saamaynta saaxiibka wanaagsani kugu yeesho iyo mida xun ee uu kugu yeesho hadba tii uu kaaga tago ayuunaad adna la daalaa dhacaysaa

Hadaba qofka maxaa la gudboon inuu sameeyo markaa uu samaysanayo saaxiib 
Waxaaa lagudboon inuu sameeyo arimo badan oo qofka dib ugu soo noqonaya oo marka hore uu ka fikiro maxaa kaaga imankaraa qofkaa inaaad la saaxiibto maxaa se faaaa ido ee uu kuguso biirinkaraa qofkaaa aaad la saaxiibaysaa su aalahaa inuu qofku iswaydiiyo waaa mid isaga anfacaysa  dantiisana ay ku xidhantahay 

Hadii aaad garanwaydo dantaadu wuxii ay ku xidhnayd saasookale garanmaysid dantaada dhabta ahina waxa ay tahay 

Qofka waalidkii inta badan kadaba shaqaynayo ee uu daba socda wuxuu ogaanayaa ilmihiisa cida uu saaxiibka layahay hadii uu qofku ogaanwaayo ooo waalidkii ogaan waayo cida ilmihiisa uu lasocdo ilmahaasi khatar waxaa uu ugu jiraa inuu saaxiib xun la saaxiibo kadibna uuu meeel xun ka tuuro saaxiibkaa xumi 

Waalidka laftarkiisa ma jecla inuu ilmihiisu ku xidho oo uu la saaxiibo saaxiibo xun waayo wuxuugaranayaaa in saaxiibkaa xumi meel xun iyo dariiq aaan wanaagsanayn uu marinayo ilmihiisuna uu ka xumaanayo saaqid uu noqonayo 

Hadaba saaxiibka xumi wuxuu ku marinayaa wadooyinka qaldan ee ay tahay marka horeba inaaad ka taxadarto inaad marto waayo waa shaqsi saamayntiisu ka badantahay bulshadaaadakale saamynta ay kugu leeyihiin 

Saxiibka xumi wuxuu kugula talinayaa talooyin qaldan 


wxuu rabaa sidiisa ookale inaaad noqoto ood saaqido 

wuxuu rabaa inaad iskaga tagto waxbarashada  oo dayacdo

 wuxuu rabaaa inaaad cibaadada alle ka tagto
 ood alle caabudiwaydo 


wuxuu rabaa inaaad waalidkaa caasido oo aadan hadalkooda maqlin 

Wuxuu rabaa wakhtigaaga inaad ku dhamayso ama aad ku qaadato maaalaayacni aaan dan kuu ahayn 

Wuxu rabaa inaad waregtaaan suuqyada oo kolba meel aaadan dan ulahayn aad  soo socsocoto 

Wuxuu rabaa inaad wax dhacdaan oo dadka baadhataan oo dadka dhibaataysaan dariiqyada iyo xaafadahaba aaad ku dhibaataysaan 

Wuxuu sababaa inaad waalidkaa isku dhacdaan ood islaysaan 

Saxiibka xumi intaa iyo inka badan ayuu leeyahay oo qofka uu ku saaamaynayo 

Intaas oo dhibaato ah madaamoo uu leeyahay waxaad garnkartaaa in la gaadhay wakhtgii aaad iskaga hadhilahayd saaxiibkaa xun markaad eegtid eed fiiriso danta uu kuu leeyahay iyo dhibaatada uu kugu hayo dhibaatooyinkiisana way sii badnayaan uun hadii aadan iskaga hadhin ama talo markaad siiso uu kaa diido adiga dhibaatooyin badan ayuunbuuu sabab kuugu noqonayaa 

Hadaba aduu saaxiibkaa ka dhig mid wanaagsan hadii uu dariiqa ka leexdana isku day inaaad toosiso waayo .markasta isku daay inaaad aduu hagto maadaamooo saamynta saaxibku uu ku leeyahay saaxiibkiisa kale markasta ay tahay saamayn wayn 

Saamayntaa wayn eeed ku leedahay isku day inaaad tubta toosan ku hagto ood mariso hadii uu kaa diidana waxaaad u sheegtaaa cidii kale eed isleedahay waxbay ka qabankartaa qofkale oo saxiibkaa ah oood isleedahy waxbuu ka qabankaraaa usheeg si uu isna waano usiiyo oo uu u waaniyo waanada hadii uu diido dadkaa kale ee wanaagsan wax uu ka qaadanwaayana aduu iskaga dheerow oo ka fagow yuuna adiga marka danbe saamayn xun uu kugu yeelane 

Hadii àaad ka hadhana hasii daba gelin oo umadakale xumaantiisa haw gudbin ee isku day inaanad qofna ceebihiisa daba gelin waayo hadaad cebihiisa daba gasho adna taaada ilaahay baa dibada usoo saari

Hadaba markasta ka fagow saaxiibka xun






Saaxiibka wanaagsani faaidoyin badan ayuu leeyahay waxaa kamida

1 inuu kula taliyo oo tala wanaagsan aad ka hesho ood taladaa adna marka danbe aaad ku liibaanto 

2 saaxiibka wanaagsan wuxuunbaad ka faaidi faaaidadaasi intay doontaba ha leekaatee hayaraato ama ha badatee kalmad yar oo uu ku yidhaahdo oo alle uu kugu xasuusiyo ayaa wax loo dhigaaba jirin 

3 saaxiibka wanagsan mustaqbalkaaga mid uwaaagsan weeye waaayo iskaaashiga aaad iskaaashanaysaan ee weliba dhanka wanaagsan iska kaashanaysaan beri ee waxbarasho iska kaashanaysaan  beri mustaqbalkaaga waad ka dareemi saxiibkaagii wanagsanaa eed wadasaali jirteen ee sabbata iskugu ahaydeeen inaaad horumar fiican wada samaysaan ood nolosha horumar ka gaadhaan 

4 saaxiibka wanaagsan waxaad ka faaidi in waalidkaa iyo dadkaaguba ku farxaan markaad u sheegto ama ay ogaadaan cidaad lasocoto eed saaxiibka la tahay inuu hebel ayahay hebelna qof wanaagsan yahay oo dedaala oo xadhiga alle haysta intaa markay ogaadaan way ku farxayaan 

5 saaxiibka wanaagsan waxaad ogaan faaidadiisa markaad aragto saaxiibada xun xun iyo mushkilada haysata ee maalinba mid laga sooo cabanyo mid la xidhayo mid la leeyahay waxbuu dulay mid la leeyahay waxbuu sameeyay oo kolba waalidkii la dhibanyahay markaad aragto ayaad dareemaysaa inaaad saaxiib wanaagsan aaad haysato aduu taasna waxay kugu caawinaysaa inaaad saaxiibkaagaa wanaagsan ku fara adaygto alle aaad ugu mahad naqdo kaa reebay inaaad saaxiib xun aaad la saaxiibto

6 saaxiibka wanaagsa  waa nimco alle ku siiyee alle ku mahadi oo ugu mahadnaq ilayn nimcada alle ku siiyay waxay kaaga baahantahay inaaad alle uga mahad naqdide dareen sanow inaaanad saaxiibkaa wanagsan eeed leedahay dad badani aysan haysan 

7 saaxiibka wanaagsan waa farxad waayo wakhtiyada adag ayuu kula qaybsanayaaa wuu kula murugoonayaaa talooyin ayuu ku siinayaa niyada ayuuu kuu dhisayaaa markaad faraxsantahay wuu kula farxayaaa sidaad ufaraxsantahay ayuu isna ugu farxayaa farxaadaada iyo nimcada aaad heshayba 

Saaxiibka xumina qodobadaa aynu soo sheegnay kuwa ka soo hor jeeda ayuuu leeyahay 

Inta saaxiibka wanaagsani uu leeyahay inta kasoo horjeeda ee xumaana ayuu saaxibka xumi leeyahay 

Ilaahay waxaan waydiisanayaa inuu nagu sugo xaqqa oo saaxiib wanaagsan marwalba nagu arsaaqo saaxiibka xunna alle ayàanu ka magan galnay 

Allaaah ayaa mahad iska leh 


WQ:FARXAAN CABDILAAHI CABDI

Post a Comment

0 Comments