Fadliga maalinka jimcaha
Jimcaha waa maalin barakaysan oo ilaahay agtiisa sharaf ku leh waa maalin dadka muslimiinta ahi ay qabtaan cibaado ka duwan cibaadooyinkii maalmaha kale ay qabanayeen waana maalin qofkasta oo muslim ahi is nadiifiyo is cadariyo dhar wanaagsan gashado waana maalin masaajidada lagu oogo lagu tukado salaada jimcaha oo ka duwan salaadaha kale ee faralka ah waana maalin fasax ah oo inta badan dadku ay nastaan kana nastaan shaqooyinkii ay soo qaban jireen todobaadka intiisakale
Hadaba maalinka jimcaha waxa mudan in qofkastaa isku diyaariyo maalintan wayn oo uum ka faaidaysto kagana faaidaysto camalada wanaagsan ee maalinkan la qabto camalada wanagsan ee maalinkan la qabto hadba waa sida aaad uga faaidaysatid wakhtigaaga intii aad shaqaysatana ajarkeeda waad leedahay hadaad dayacdana adiga uunbaa iska dayacay maalin khayr badan ood shaqaysanlahayd ajar badan oo ilaahay kuu dhaweeya
Hadaba ka faaidayso maalintan wayn ee jimcaha
Arimaha aad kaga faa idaysanayso waxaa kamida
1 inaad marka hore maydhato is daahiriso adoo dhaqaya ama maydhaya jidhkaaga oodhan waana sune in la maydho maalinka jimcaha markaad maydhato wayso qaado oo waysayso
2 waa inaad xidhato dharkaaga kuwa ugu wanaagsan ee quruxda iyo bilicdaba leh kadib markaad xidhato dharka is udgi oo is cadaree
3 xili hore masaajidka tag adoo ka faaidaysanya maalintan khayrkeeda markaad tagto masaajidka tuko laba rakcadood oo sune ah
4 akhri suuratu kahfi waana maalin si gaara umudan in la akhriyo suuratu kahfi
5 badi saliga nabiga scw oo ku celceli intaad doonto saligiisa waayo maalinkan si gaara ayaa nayloo amray inaynu badino saliga nabiga scw
6 alle bari oo cibaadada baryada maalinkan kaga faaidayso waayo waxaa kujirta saacad ducada la aqbalo xiligay tahay cidi garanmayso ee waxaad ku dedaashaa sidii aaad saacadaa u wajihi lahayd eed ugu beegmilahayd gelin hore iyo galin danbeba waayo hadaad maalinkaas dedaasho waad asiibi inshaa allaah
7 khudbada dhagayso adoo aamusan oo fadhiya hasamaynin wax kaa mashquuliya khudbada sheekhu akhrinayo waayo mashquulkaas wuxu wax u dhimayaa waa ajarkii aad ka helilahayd dhagaysiga khudbada jimcaha hadaad hadashana wayba kasii danbi wayntahay oo nabigu scw wuxu sheegay qofka yidhaa aamu inuu qofkaasi danbi wayn ku dhacay oo nabigu scw wuxuu tilmaamay in qofkaasi uu laqwi ku dhacay laqwiguna waa danbi wayn .markaa iska ilaali inaaad danbi wayn ku dhacdo camalkaagana uu kaa khalkhalo ajar wanaagsana aaad ka heliwaydo ee shaygii lagu faray sideeda ula kaalay oo ula imow markay khudbadu dhamaatana ilaahay fadligiisa raadso oo hadaad qanacsilahayd furo oo shaqayso ilaahayna in badan xus
Qodobadaasi ayaynu kor kusoo sheegnay ayaynu kaga faaidaysanaynaa maaalinka jimcaha intaaba hadaad si wanaagsan usamayso ood alle ka baqato ilaahay dartiina camalkaaga aaad usamayso maalinkaa waad ka faaidaysatay ilaahay rajo wanaagsan ka rajee markasta oo camalkaagii in alle kaa aqbalay rajee cadaabkiisana ka baq
Ehelkaagana far inay maalintan ka faaidaystaan oo camaladaa wnaagsan ay kaga faaidaystaan iyaguna si ay uhelaan ajar iyo camal wanaagsan oo alle raali kayahay
Allaaah ayaa mahad iska leh
WQ:FARXAAN CABDILAAHI CABDI
0 Comments