Qanacasiga qanacsiga
Qanacsigu waa shay qofkasta maankisa iyo qalbigiisa ku jira siduu maalin uun ugaadhilahaaa inuu noqdo qof qanacsade ah oo shaqaysta oo xoogiisa ku ciil baxa taasaana shataf iyo karaamo mudan mar walba inuu qofku doorto qacanta sare ee shaqaysata ee naftiisa iyi ehelkiisaba wax kusoo birisa inu noqdo qofku uu jeclaado
Hadaba qanacsigu waa shay barako badan hadii uu qofku alle tala saarto oo shaqadaa qanacsigana sifiican uu u wado isagoo markasta samir iyo adkaysi ka dhiganaya muhiimadiisa kobaad waayo qofku hadii uusan samir lahayn waxa meesha kamaqan tiir wayn oo uu ku hagaagilahaaa qanacsigu tiirkaasina waa tiirarka ugu muhiimsan ee qofka gaadhsiinaya himiladiisa qof walbana maankiisa iyo niyadiisa waxa ku jira himilooyi iyo hiigsasho kala duwan oo uu isleeyahay maalin uun gaadh intaa uu ka gaadhayo hamigiisa waxa marwalba wehel u ah samirka
Hadaba qanacsigu wuxuu ubahanyahay aasaaasiyaad laga bilaabo oo hadhaw dariiq fiican unoqonkara hamiga uu qofkaas leeyahay aasaasiyaadkaasina hadba waxay ku xidhanthay shayga uu bilaabayo iyo qanacsiga uu bilaabayo noocuu yahay qanacsiyada qaar ayaa kunfiican inaaad hoosta kasoo dhisto hadii aaadan wax lacag wayn ood meherado socda oo shaqaynaya aad ku iibsato aadan haysanin
Hadaba seeska hoose inaaad wax ka bilawdaaa oo hoosta aaaad kasoo dhisto qanacsigaaga waxay ku siinaysaaa khibrad aaaad uyeelato shayga aaaad ka qanacsanayso khibraduna waa mida horumarisa qanacsiga waayo qofku wuxuu fahamsanyahay qanacsiga uu ku jiro siduu usoconayo siduu ushaqaynayo siduu faaaido usoo saarayo intaasba wuu fahamsanyahy taaasina waxay ka caawinaysa qofka inuu horumar ka gaadho qanacsigiisa oo uu ka gaadho heeer wanaagsan
Waxyaabaha dila ee baabiya qanacsiga bilowga ah waxaa kamida
1 inuu qofku uu bilaabo shay aaanu aqoon ulahayn ama aaanu khibradba ulahayn ka qanacsigiisa taasina sabab ay u noqoto inuu khasaare soo gaadho qofka
2 inuu qofku is yidhaa hore ka taajir oo uu qaaado talaaboooyin aaan ku haboonayn qanacsigiisa yar oo uu meeshaba ku camiro alaabo aan cidiba ka iibsanayn ama meesha uu qanacsigiisa ka furay aan laga iibsanba wax yaabaha uuu iibinayo ee uu kusoo camiray .meheradiisa taaasina sabab ay unoqoto inuu qofkaaas khasaare soo gaadho
3 inuu qofku qanacsigiisa uu ka war haynwaayo oo uu cid udhiibo kagana tago inta uuu qanacsigiisu cusubyahay taasina khasaare ayay sababikartaaa oo qofka meherada iska leh wuuu kaga lexejeclo badanyahay qofka shaqalaha ah markaa waxaa mudan inuu qofku qacantiisa uu ku hayo oo uu iibiyo isagu ilaa inta uu ka adkaanayo ama horumar ka gàadhayo qanacsigiisu
4 inuu qofku maskaxdiisa adegsanwaayo oo uu fahmiwaayo meherada uu furayo halka uu ka furayo iyo waxa halkaa looga bahanyhay ee laga iibsankaro hadii qofku aaaanu fahamsanayn qorshaha meheradiisa iyo sida ugu haboon ee ay ushaqaynkarto taaasina khasaare ayaa soo gaadhikaraa qofkaas qanacsanaya hadaba eeeg oo ka fikir meheradaada inaaad ka furto meel istiraatiiji ah oo ku haboon qanacsigaaaga
5 amaahda waxay kamid tahy waxyaabaha khasaare ku keenikara qofka qanacsanaya ee weliba qanacsigiisu cusubyahy waayo dadka wax uu amaahinayaaa way kala duwanyihiin qaarbaaban ku haboonayn in wax la amaahiyo oon iska bixinayn hadhaw amaahdii la amaahiyay kuwaasina waxay sababikaraaan khasaare madaamoo lacagtii dib looogu celinlahaa meherada ay dadku amaaah kula maqanyihiin
Hadaba qofku intuusan shay qabanin marka hore haka fikiro su aalo badana hayswaydiiyo intaaanu qanacsi furin si uu unoqdo qanacsigiisu mid heeeer gaaadha oo uu ka faaaido
Allaaah ayaa mahad iska leh
WQ:FARXAAN CABDILAAHI CABDI
0 Comments