Ciid mubaarak ciid wanaagsan
Iidu waa maalin farxadeed oo mudan inuu farxo qofkasta oo muslim ahi farxadaasina ay ka muuqato wejigiisa dadkana uu kula dhaqmo dhaqan wanaagsan oo muujinaya sida uu ugu faraxsanyahay maalintan wayn ee soo qaabishay
Ciidak fitri waa ciid runtii wayn madaamoo lagasoo baxay bishii soonka ee ramadaan bishaasi oo ahayd bil qof walba oo muslim ahi soo soomanaa marka laga reebo dadka inta cudurdaarka lahayd ee aan soomin cudurdaarkaasina ka manciyay soonkii
Dadka intakale way dhamaystireen soonka bisha ramadaan qof ilaahay caasiyay oo si badheedha uga tagay soonka kaas marka laga reebo intakale way soomeen
Hadaba ciida farxadeeda iyo nimcadeeda waxa mudan inlaga farxiyo qofkasta gaar ahaaan caruurta yaryar ee aaan qaan gaadhin ee maalmahan ciidaya waxyaabaha farxadooda qayb ka noqonaya waxaa kamida in lagu ciidsiiyo oo lasiiyo dhar qurxoon oo cusub dadka inta aaan awoodin dharka cusubna waa inay caawiyaan dadka hantida leh si ubadkaa yaryar looga farxiyo iyagana ilaahay agtiisa wax wayn uga ah oo alle ka ajar siinayo madaamoo ka farxiyeen ubad yaryar
Nabiga scw wuxu yidhi dadka waxa ugu khayr badan kooda ugu waxtarka badan
Madamoo sidaa tahay khayrkaa nabigu sheegayna way leeyihiin.madaamoo wax utareen ubad yaryar
Saasookale inla siiyo ubadka wixi farxadoooda qaybka ah sida inlasiiyo lacag si maalintaa ufarxaan oo suuqa kasoo iibsadaan waxyaabaha mubaaxaadka ah ee loo ogolyahay sharciguna u ogolyahay
Saasookale inlaga farxiyo dadka waawayn ee d,da ah oo lasiiyo maalintaa iyagana wixi qayb ka noqonaya farxadooda sida dhar cusub inla siiyo looo udugeeyo oo loo xineeyo si quruxdiisa u siyaado madaamoo intaa aynu soo sheegnayba ay usiyaadinayaan qurux
Waxaa kale oo mudan maalinta ciida inuu qofku booqdo qaraabadiisa eedooyinkii adeeradii habaryarihii iyo waalidkooda inay booqdaan hadii ayna meeel kuwada ciidin
Booqashadu waa farxad gaara oo qofa usiyaadinayso inuu isna farxo
Saasookale in laysku tahniyadeeyo ciida oo lays dhaho تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال عيدكم مبارك
Tahniyadana ereyadaas iyo kuwa kale eed awoodo u adeegso
Intaa kadib qofka inuu maalintaa wax cuno oo soonkii u soo soomanaa uu afuro maalintaana uu ka dhigo maalin uu wax cuno oo aanu soomin
Saasookale qofku waa inuu iska ilaaliyaa wiixi alle ka cadhaysiinaya oo gaar ahaan dhalinyartu farxadooda ay farxayaan ayna ka tan badan oo ayna gaadhisin heer ay ilaahay caasiyaan taasina shay banaan maha waa mamnuuc inuu qofku sameeyo danbiyo sida rag iyo dumar isla baxa oo taga meel kabaxsan magaalada
Farxadana qofka looma diidana ee xadkeeda inuu dhaafiyaa ladiiday
Sadaqadana inuu qofku bixiyo maalintan oo masaakiinta baahan uu wax siiyo si ay ula farxaan madamoo maalin farxadeed ay tahay
Sasookale in qofku uu soo tukado salaada ciida goobaha lagu tukanayana uu tago si shaacaa.irta islaamka uu u muujiyo
Sasookale inuu qofku maydho jidhka is nadiiyo is daahiriyo dharka ugu quruxda badan ee uu haystana uu xidho si ugala qayb qaato dadka farxaya maalintan farxadooda
عيد كم مبارك
Ciid mubaarak
Ciiid wanaagsan
Farxad ku ciida inshaa allaaah
0 Comments